Kismaayo: Meydka qof rayid ah oo uu dilay maamulka A/Madoobe oo la helay

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay meydka qof rayid ah, kaasoo la shegeegay in ay dileen ciidamada ammaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Ninkan ayaa laga helay xeebta magaalada Kismaayo, waxaana jirkiisa ku yaallay rasaas aad u fara badan.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha maamulka KMG ah ee Jubba, Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in uu soo dhammaaday howgallo lagu si feenayay dadka falalka ammaan darida ka waday magaalada.

Wuxuu sheegay ninka meydkiisa laga helay xeebta uu ka mid ah rag in muddo ay baadi goobayeen kana mid ah dadka falalka ammaan darida ka waday magaalada Kismaayo sidda uu yiri.

Wuxuu shegeay in dhammaan kooxahii falalka ammaan darida ka waday Kismaayo laga dhigay wax la dilay iyo wax la soo qabtay.

Wasiir Darwiish ayaa xusay in xaalada ammaanka magaalada Kismaayo in hadda la isku haleen karo sidda uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com