M/G/Banaadir oo sanadkii 2-aad hal ballanqaad fulin’la & Fadeexad lagu soo oogay shacabka

Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin kasoo baxday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga digay in Shacabka Soomaaliyeed ay iska burburiyaan Baallayaasha ku shaqeeya Cadceedda ee Leyrarka ah.

Maamulka ayaa sheegay inay la socdaan in dadka shacabka ah ay Baalayaasha kala baxaan Batariyada, waxa uuna maamulka intaa ku daray in inta badan Baalayaasha ay yihiin kuwa la burburiyay.

Agaasimaha Waaxda Naleynta Gobolka Banaadir Cabdullahi Max’med Cabdulle Saney oo arrintaani ka hadlaayay ayaa sheegay in maamulka uu hadda ku howlan yahay dib u hagaajinta Baalayaasha batariyada lagala baxay iyo kuwa la burburiyay.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in magaalada oo dhan wakhtiyada nagu soo aadan lagu xiri doono Leyrarka Cadceedda ku shaqeeya.

Wuxuu sheegay in maamulka uu qorsheeyay in ku dhawaad 40,000 oo Baalle ah lagu hardhi doono magaalada Muqdisho, sida uu qorshuhu yahay.

Saney waxaa uu intaa ku daray in dadka Batariga kala baxa Baallayaasha haddii lagu arko guryahooda ay yihiin dambiilayaal lalana xisaabtamayo.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in howshaasi ay billaabaneyso Sanadka cusub, waxa uuna ku baaqay in loo baahan yahay in gacanta lagu hayo Baallayaasha ee aan la dayicin.

Dhanka kale, Agaasime Saney waxaa uu sheegay in Baallaha uu u baahan yahay in Bishiiba Labo jeer la tir tiro,si uu u ahaado mid iftiinkiisa sarreyo.

Haddalka Agaasimaha maamulka ayaa u muuqanaaya mid aan waxba ka duwaneyn ballanqaad uu horay u sameeyay maamulka kaasi oo Sanad iyo bar aan wax laga qaban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com