ODAWAA oo shaaciyay waqtiga shirka JOWHAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay todobaadka soo socda inuu si rasmi u furmanaayo Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Wasaaradaasi C/raxmaan Odawaa, ayaa sheegay Qorshaha inuu yahay isbuuca soo socda Shirka inuu furmo uuna si rasmi ah kaga furmo Magaalada Jowhar oo diyaargaroow ballaaran uu hada ka socdo.

Muddooyinkaan dambe Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa ka biyo diidsanaa in Shirka uu ka furmo Magaalada Jowhar, laakiin Wasiirka Arimaha Gudaha wuxuu sheegay Odayasha inay ku qanciyeen in Shirka Jowhar uu ka furmo caasimadana ay ahaato Buulo burde.

“Shirka todobaadka soo socda ayaa la guda galayaa, waxaa laga bilaabayaa furitaanka, dadka labada gobol u dhashay, dadka Soomaaliyeed iyo madaxda ka qeyb galeysa, kadibna waxaa loo gudbayaa odayaasha dhaqanka, ergooyinka la soo xulayaa, kadibna Baarlamaanka”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Sidoo kale Wasiir Odawaa ayaa sheegay in Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe loo maraayo wadadii loo maray Maamulka Galmudug ee fadhigiisa Cadaado yahay.

“Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa loo mari doonaa qaabkii loo maray Galmudug, sanduuq dhalo ayaa lagu dooran doonaa Madaxweynaha”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com