Xog: Axmed Madobe oo billaabay inuu dhaqaale culus ku bixiyoa dhabar jabinta Shariif Xassan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa dhaqaale adag ku bixinaaya kala go lagu sameeya Gobolada hoostaga maamulka Koonfur galbeed ee Somalia.

Axmed Madoobe ayaa lasoo warinayaa inuu leeyahay siyaasada ka danbeysay in Xildhibaanada Beesha Ogaden uga jira BF ay kacdoono Siyaasadeed oo lidi ku ah maamulka Koonfur galbeed ka sameeyan Gobolka Bakool.

Xildhibaan ka tirsan BFS oo kasoo jeeda magaalada Baydhaba ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha maamulka Jubbaland uu fangareynaayo arbushaada ay tirro Xildhibaano ah kawadaan Gobolka Bakool, waxa uuna farta ku goday in Axmed Madoobe uu dusha saaran doono mas’uuliyada wixii ka dhaca Gobolka Bakool.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ay Xildhibaanada Ogaaden ee ku sugan deegaanada Yeed,aato iyo Ceel-Barde ay wadaan, waxa uuna cadeeyay in Axmed Madoobe uu isaga shalaay ku danbeyn doono, sida uu hadalka u dhigay.

”DFS waan u sheegnay in Axmed Madoobe uu arbushaada maamulka Koonfur Galbeed u adeegsanaayo Xildhibaano ka tirsan BF. waxaan dacwadaasi aan gudbinay ku xaqiijinay in Axmed Madoobe uu wato qorshahaasi dhaqaale adagna uu ku bixinaayo”

Geesta kale, waxa uu sheegay in ficiltan noocaasi ah maamulka Koonfur galbeed uusan ku kordhin doonin cadadka ay Beesha Ogaden ku leeyihiin BKG, waxa uuna sheegay inay ka dhowr sugayaan nooca uu noqon doono calanka ay u sameyn doonaan Gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com