Sawirro: Keating oo ku biiray wada-hadalada Farmaajo iyo Imaaraatka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa gaaray magaalada Dubai ee caasimada Imaaraatka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo iyo wasiirka arimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar ayaa magaaladaasi kula kulmay Micheal Keating, walow aan la ogeyn waxyaabaha ay ka wadahadleen.

Socdaalka Keating ee Dubai ayaa ka dambeeyay markii madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen dalkaasi oo wadahadalo ay ugu socdaan wafdiga madaxweynaha iyo madaxda Imaaraatka.

Waa wakiilkii ugu horeeyay oo dal Carbeed ka daba taga madaxda ugu sareyso dalka Soomaaliya, walow aan la ogeyn sababaha iyo qorshaha uu ka leeyahay.

Waxaa horey u jiray cabasho dowladda Soomaaliya ay u gudbisay xafiiska Qaramada Midoobay iyo dowladda Sacuudiga taasi oo la xiriirtay saldhiga meletari ee Imaaraatka uu ka dhisayo magaalada Berbere.

Keating ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraatka Carabta iyo madaxda Soomaaliya, waxaana loo malaynayaa inuu arimaha cabashada dowladda Soomaaliya iyo isku soo dhaweynta labada dal uu kala hadlay.