28.1 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Keating oo shaaciyay dib u dhaca doorashada madaxweynaha iyo waqtiga cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Micheal Keating ayaa shaaciyay in dib u dhac kale uu ku yimid doorashada madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo badalaya Xasan Sheikh ama suura gelin karta inoo soo laabto.

Keating, wuxuu si cad u sheegay in waqtiga la qorsheeyay doorashada sanadkaan ee ah 30-ka November ineysan dhici  karin, maadaama wali howlo badan dhiman yihiin.

Wuxuu sheegay in doorashada dhib u dhici karto, waxaana uu shaaciyay waqtiga la qiyaasayo iney dhaceyso doorashada.

Inkastoo gudiga doorashada aysan shaacin waqtiga ayaa haddana wuxuu Keating wuxuu sheegay in bartamaa bisha December ay dhici karto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in wali harsan yihiin xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka, iyo sidoo kale doorashada wakiilada labada aqal.

Doorashadan ayaa markii afaraad muuqaneysaa iney dib u dhaceyso, waxaana muuqaneyso iney tahay wax horey loo qorsheeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News