Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibada Xukuumadda Somalia Khaalid Cumer Cali, ayaa ku fashilmay kamid noqoshada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub ee Somalia, kadib markii si lama filaan ah looga tuuray kursigii uu u tartamaayay.
Khaalid Cumer, ayaa sheegay in isagoo u jeeda laga hoos bixiyay Kursiga, waxa uuna sheegay in Kursigaasi la geeyay shaqsi kale oo uusan ka warqabin.
Khaalid Cumer, waxa uu sheegay in sidaa loola dhaqmay isagoo ku sugan magaalada Baydhabo, waxa uuna farta ku goday in laga shaqeeyay inuusan kamid noqon Baarlamaanka cusub.
”Kursigii aan ka doontay Baydhabo waa la musuq-maasuqay aad ayaan uga xumahay in anigoo u jeeda leyga saaray Kursiga booskeygana la galiyay mid kale”
Ilo wareedyo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Axmed uu Guddoomiyaha Doorashooyinka maamulkaasi Mursal ku amray in Liiska Musharaxiinta laga saaro Khaalid Cumer.
Shariif Xasan waxa uu sidoo kale, booskaasi ku buuxiyay Musharax kale oo isaga uu watay, waxaana sababta lagu sheegay in Khaalid Cumer uu saaxiib dhow la yahay Xassan Sheekh.
Khaalid Cumer ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Dowlada Xasan Sheekh, waxaana labada mas’uul lagu xantaa inay yihiin kuwo aad isaga dhaw mas’uuliyiinta kale.
Geesta kale, Shariif Xasan ayaa isna kasoo horjeeda Xasan Sheekh iyo garabkiisa, waxa uuna sidaa ku laalay Khaalid Cumer.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

