Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Safarka Madaxweynaha oo ahaa mid aan sidaa loosii shaacin ayaa waxa uu Addis Ababa uga sii gudbi doonaa dalka China, sida aan ku xaqiijinay wararkeena hore.
Gaas waxa uu sheegay in safarkan uu ku tegayo Dalalka Ethiopia iyo China ay la xiriiran arrimaha amaanka iyo adkaynta xiriirka ay laleedahay Puntland wadamadaasi.
Gaas ayaa saacadaha kooban ee uu Joogo magaalada Addis Ababa kula kulmay Mas’uuliyiin dhowr ah oo uu kamid yahya Ra’isul wasaaraha dalkaasi isagoo macluumaad kasiiyay Doorashooyinka Somalia iyo halka ay Puntland marineyso Doorashada Aqalka Hoose.
Gaas waxa uu Ra’isul wasaaraha Ethiopia iyo dhowr mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadiisa u sheegay in Doorashada Madaxweynaha aysan wakhtigeeda ku dhici doonin sababo la xiriira wakhtiga oo aad u yar.
Gaas waxa uu sidoo kale, Ra’isul wasaaraha Ethiopia macluumaad kasiiyay ujeedka Safarkiisa dalka China, wuxuuna u xaqiijiyay in halkaasi uu u gaari doono adkeynta xiriirka labada dhinac iyo in maamulkiisa uu Dowlada China weydiisto Mashaariic.
Dowlada China ayuu kala hadli doonaa dhismooyinka Wadooyinka iyo Kaabayaasha dhaqaale ee Puntland, waxaana sidoo kale, jira warar sheegay in halkaasi uu kusoo saxiixi doono Heshiis labada dhinac ah.
Geesta kale, C/wali Gaas ayaa magaalada Shangahai ee dalka China ku sugnaan doono dhowr maalin oo xiriir ah.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

