Mid ka mid ah dowladaha Africa oo loogu deeqay 10 dameer oo aad u fool xun

Bujumbura (Caasimada Online) – Dowlada Faransiiska ayaa shaacisay in 10 dameer nooca la dhaqdo ay ugu deeqday Dowlada Burundi oo ay wadaagan xiriir saaxiibtinimo iyo mid Siyaasadeed.

Faransiiska, ayaa dameeradan ugu tallo gashay in loogu deeqo  dadka saboolka ah ee ku dhaqan Tuullo ku taalla Bartamaha dalkaasi.

Dowlada Faransa ayaa dameerahaasi kasoo iibisay dalka Tanzania, waxa uuna ujeedku yahay in dadka degan Gobalka Gitega, ay u adeegsadaan ku rarashada wax soo saarka Beeraha, Biyaha iyo qoryaha wax lagu karsado.

Faransa oo u muuqat mid si jees-jees ah dameeraha ugu deeqday Dowlada Burundi, ayaa sheegtay in deeqdan ay  qeyb ka tahay Mashruuc ay Hay’ad NGO oo Deegaanka ah ku taageerayso Haweenka iyo carruurta.

Wasaarada  Beeraha ee dalka Burundi oo aad uga carootay talaabadaasi ayaa amartay in meel gaar ah lagu karantiilo10-ka dameer oo ay Faransiiska ugu soo deeqeen Tuullo ku taalla Bartamaha dalkaasi.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska mid kamid ah la-taliyayaasha Madaxtooyada dalkaasi ayaa waxa lagu sheegay in Mashruucaasi iyo Deeqda Dameeraha ay tahay mid loogu gafaayo Dowlada Burundi.

Waxa uu qoraalka ku sheegay in deeqda ceynkaasi ah ay tahay Aflagaado lid ku ah Qaranka Burundi, sidaa aawgeed aysan qaadan doonin deeqda dameeraha.

Waxaa sidoo kale, qoraalka lagu cadeeyay in xitaa Dameeraha ay yihiin kuwo aad u madoow, isla markaana lasoo xulay nooca ugu foosha xun.

Gabby Bugaga oo ah Afhayenka Aqalka Senedka ee dalka Burundi, ayaa sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku qoray inay Faransiiska qaadan doonaan Dameeraha, isla markaana Burundi ay ka maaranto deeq ceynkaasi ah.

Dhinaca kale, Dowlada Burundi ayaa dhaqankaani xun ku sheegtay mid ka dhalatay hoos u dhac ku yimid xiriirka labada dal, kadib markii ay Siyaasada ku kala fogaaden wixii ka danbeysay dhaliisha ay Faransa ka muujisay aftidii isbedelka Dastuurka ee bishan ka dhacday dalka Burundi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com