25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Mid ka mid ah xarumaha degmooyinka G/Banaadir oo korantadii laga jartay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii saddexaad koronto la’aan guud ah xarunta maamulka degmada Xamar Weyne ee Gobalka Banaadir kadib markii lagu yeeshay lacag badan oo deen ah.

Caasimada Online ayaa ogaatay in shirkadda Korontada ay amar ku bixisay 6-dii bishaan in Korontada laga jaro xarunta degmada Xamar Weyne, waxaana ilaa hadda maqan Korontada.

Sababta looga jaray Korontada ayaa masuuliyiinta Shirkadda waxay noogu sheegeyn in iska bixin waayeen lacag lagu yeeshay oo dhowr bil ah.

Muddo 3 maalmood ah wax shaqo ah kama socoto xarunta degmada Xamar Weyne waxaana xiran dhamaan shaqooyinkii degmada.

Dad badan oo u adeeg doontay ayaa shalay iyo maanta ku sugan xarunta degmada kuwaas oo u badan ganacsatada degmada.

Arrintaan waxay fadeexad ku tahay maamulka Gobalka iyo kan degmada waxaana dad badan ay is weydiinayaan sababta loo bixin waayay Koronto muddo bilooyin ah.

Degmada Xamar Weyne waxay kamid ah degmooyinka ugu shaqada badan sababtoo ah waxaa ku yaala suuq weyn oo ganacsi, shirkado iyo moolal ganacsi oo horumarka degmada muhiim u ah.

Sidoo kale degmadaan waxaa dagan maamulka Gobalka Banaadir oo ku leh xarunta ugu weyn ee Dowladda Hoose. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada oo arintaan ku saabsan.

Hore ayaa dhowr Wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya looga jartay korontada kadib markii ay iska bixin waayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News