Cali Maxamed Geedi oo si kale u dhigay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online)  – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi oo ka hadlayay xiisada Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in marka hore  khilaafka u dhexeeya labada dowladood uu ka dhashay is faham la’aan siyaasadeed.

Geedi oo maanta Wareysi ku siinayay wakaaladda wararka Anadolu magaaladda Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa ugu baaqay madaxda labada dal inay ka fogaadaan khilaafka diplomaasiyadeed ee ka dhashay muranka Badda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada dal oo daris aysan isku noqon karin cadow, sida uu hadalka u dhigay.

Prof. Geedi ayaa tilmaamay inuu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, islamarkaana ay yihiin Soomaaliya iyo Kenya labo dal oo leh dano isku xiran.

“Kenya cadow kuma noqon karto Soomaaliya, sidaas oo kale, Soomaaliyana cadow kuma noqon karto Kenya” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ka dhashay Muranka Badda.

Kenya ayaa dhowr jeer qaaday tallaabo ka dhan ah Soomaaliya, si ay cadaadis ugu saarto, inay ka laabato dacwadda ka furan ICJ.

Maxakamadda ayaa la filayaa inay  dib u furto kiiskan bisha September ee Sanadkan 2019-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com