Baale lagu qarxiyey Muqdisho, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa saakay lagu qarxiyay mid ka mid baalayaasha nalalka cadceeda ku shaqeeya ee halkaas lagu xiray.

Wariye ka tirsan Caasimada Online, ayaa soo sheegay in baalaha la qarxiyay uu ku yaallo waddada Makkah Al-Mukarramah, oo ka mid waddooyinka ugu muhiimsan caasimada isla markaana si weyn loo adkeeyo ammaankeeda, waayo waxaa adeegsada madaxda dowladda.

Waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka kuwaasoo xiray waddooyinka qaar ee soo gala goobta lagu qarxiyay baalaha ku shaqeya cadceeda.

Ma ahan markii ugu horreysay oo la qarxiyo baalayaasha ku shaqeeya cadceeda, dhowr jeer oo horre ayaa sidda loo qarxiyay mana jirto cid loo soo qabto.

Dadka qaar waxaaba ay lee yihiin waxaa qarxiya ciidamada ka agdhow goobaha ay ku yaalaan baalayaasha kuwaasoo lacago la siiyo ama carruurta darbi jiifka ah iyo kooxaha burcadka ah ee doonaya in wax dhacaan.

Siddii baalayaasha ku shaqeeya cadceeda loogu dhajiyay inta badan waddooyinka Muqdisho, waxaa soo noqday bilicdii magaalada oo habeenkii magaalo kale ayey u keetaa caasimada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com