Dubai: Shir looga hadlaayo wax soo saarka Somalia iyo sida loo beec geyo

Dubai (Caasimada Online)-Magaalada Dubai waxaa saaka ka furmaya shir caalami ah oo looga hadlayo wax soosaarka Soomaaliya iyo sida loo soo bandhigi lahaa waxyaabaha Soomaalidu ay dunida u beec geyso. Kuwaasi oo laga soo saaro badda, barriga iyo xoolahaba.

Shirkan oo socona doona muddo seddax cisho waxaa lagu soo bandhigi doonaa sidda ugu wanaagsan ee la isugu xiri karo Soomaalida wax ka saarta dalka iyo ganacsiga ka jirra dunidda.

Waxaa soo qaban qaabiyay shirka hey’addo caalami ah oo ay ka mid tahay barnaamijka cunta adduunka ee FAO, waxaana la filayaa shirka in la isku weedaarsado xog ku saabsan sidda loo kobcin karo wax soo saarka Soomaalida iyo sidda loogu xiri karo dunidda.

Shirka oo ka dhici doona xarunta ganacsiga ee Dubai, ayaa waxaa ka qaybgali doona hey’ado caalami  iyo madax ka socota maamulada Soomaalida.

Shirkan waa kii ugu horreeyay ee noociisa tan iyo markii ay burburtay Soomaaliya sannadkii 1991-dii, waxaana hadda keenay in waxoogaa daganaansho ay ka jirto Soomaaliya, taasoo ay dheertahay Somaliland iyo Puntland oo ka mid ah meelaha xasilloon.

Soomaaliya waxa ay caan ku ahayd wax soo saarka, sidda beeraha, xoolaha iyo badda oo laga soo saari jiray kalluun faro badan, balse nasiib daro ma jirto cid ka faa’ideesatay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Caasimada@live.com