DF Somalia oo loolan xoogganaa kaga adkaatay maamulka Somaliland (1-0)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federalka ee uu Caalamku aqoonsan yahay iyo Maamulka ka arrimiya Goballadda W/galbeed ee Jamhuuriyadda Somalia ee la magac baxay Somaliland ayaa waxa maalmahan ka dhexeeyey Loolan hoose oo ku aadan Qaabka loo aasi lahaa Allaha U Naxariistee Fannaanka weynaa ee Maxamed Sulaymaan Tube coo maanta lagu aasay magaalladda Muqdisho.

Dowladda Federalka iyo Maamulka Somaliland oo uu u socday Wada-xaajood Siyaasadeed, ayaa waxay isku maandhaafeen cidda mas’uulka ka ahaa inay qabanqaabiso Aaska Fannaankaasi magaca iyo maamuska ku dhex leh Ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Federalka waxay dhawaan magacaabeen Guddi Khaas ah oo uu madax ka yahay Wasiirka Warfaafinta, Mustaf Dhuxulow, kuwaasi oo loo xil-saraay Qabanqaabadda Aaska Qaran ee loo dhigayo Fannaanka geeriyoodfay.

Sidoo kale, Maamulka Somaliland ayaa ku soo baraarugay Guddiga ay Dowladda Federalka u qoondeysay Aaska Fannaankaasi, wuxuuna Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, C/raxmaan Zeylici ku dhawaaqay Guddi ka kooban 12-qof oo loo xil-saaray Qabanqaabadda iyo Aaska Fannaanka Maxamed Sulaymaan.

Dowladda Federalka iyo Maamulka Somaliland ayaa waxa uu arrinkaasi ka dhex dhaliyey Loolan adag, iyadoo ugu dambeyntii Dowladda Federalka ku guuleysatay Loolankaasi, kadib, markii ay dadaal xooggan u gashay si Fannaankaasi loogu aaso Heer Qaran, ayada oo dowladda Jarmalka ay sheegtay in meydka Tubeec ay u dhiibeyso Dowladdda Somalia, oo aanay aqoonsaneyn wax la yiraahdo Somaliland.

Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa inoo sheegay inay Dowladda Federalka ku bixisay in ka badan 60,000 oo Dollar miisaaniyadda loogu talagalay in maydka Marxuumka looga soo qaado dalka Jarmalka, looguna aaso si maamuus heer Qaran leh.

Diyaarad Khaas ah ayaa loo soo kireeyey si maydka Marxuumka loo keeno magaalladda Muqdisho, iyadoo barqanimaddii maanta maydka laga soo dejiyey Garoonka Caalamiga Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Federalka ku guuleysatay loolanka hoose eek ala dhexeeyey Maamulka Somaliland oo iyagu 100% ku kalsoonaa in ay iyagu awoodi karaan sidii Marxuumka lagu aasi lahaa magaalladda Berbera.

Laakiinse, Madaxda Somaliland wey ku hungoobeen hamigaasi, maadaama loolan dheer kadib uu Rabbi qadaray in Marxuumka iilkiisa noqdo magaalladda Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com