Puntland: Waan argagaxnay markii aan maqalnay Siilaanyo oo jooga Lasqoray

Garoowe (Caasimada Online)- Magaalada Goowe waxaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirse Cabdulle(Indho-guran), wuxuuna ka hadlay socdaalkii madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku tagay maanta magaalada Laasqoray ee gobalka Sanaag.

Wuxuu ku tilmaamay socdaalkaas mid muujinaya colaad ka qaraxda degmada Laasqoray, wuxuu kaloo sheegay Laasqoray in ayka tirsan tahay Puntland.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in ay aad uga naxayen markii ay maqleen Axmed Siilaanyo in uu joogo Laasqoray.

Cabdiwali Xirse Cabdulle(Indho-guran),
Cabdiwali Xirse Cabdulle(Indho-guran),

“Waxay nagu noqotay arrin argagax ah, waayo marna lama filaynin in Siilaanyo uu joogo Laasqoray oo u dhow Boosaaso kana tirsan Puntland” ayuu yiri wasiir Indho-garuun).

Wasiirka waxaa kaloo uu xusay in ciidamo ay u direen Laasqoray markii markii ay maqleen in uu Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay halkaas ku sugan yihiin balse nasiib daro aaney isku soo gaarin.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay maamulka Somaliland in ay qadariyaan madax banaanidooda oo aaney soo gudbin xadka u dhexeya labada maamul.

Si kastaba, hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay iyadoo maanta oo Axad ah uu tagay degmada Laasqoray ee gobalka Sanaag madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo.

Wafdiga madaxweynaha ayaa booqday Isbitaalka weyn iyo dekedda Laasqoray, waxaana ay u ballan qaadeen in ay ka qayb qaadan doonaan dib u dhiska iyo horrumarka Laasqoray.

Madaxweynaha Siilaanyo iyo wafdiga la socday ayaa ku laabtay degmada Maydh oo markii horre ay ka yimaadeen halkasoo qado sharraf loogu sameeyay, waxaa kaloo la sheegay in madaxweynaha u sii ambabixi doono Ceerigaabo.

Degmada Laasqoray ee gobalka Sanaag waxaa isku heesta maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana mid kasta uu lee yahay “Anniga ayaa maamula”

Taarikhda waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Somaliland uu booqdo Laasqoray.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com