Beel sheegtay in AXMED MADOOBE uu xasuuqayo oo go’aanno soo saartay

Belgium (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Jaalliyada Beesha SADE ee dalka Belgium ee GalJuba ayaa lagu sheegay in beesha SADE aysan u dulqaadan karin xasuuqa iyo tacadiyada bareerka ah ee lagu hayo hal beel ah oo degta gobolada Jubbooyinka.

Kulan ballaaran oo shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd 15ka bisha Maarso lagu qabtay magaalada Gent ee wadankan Belgiumka ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee Jaalliyada beesha SADE oo isugu jiro odayaal , dhalinyaro , aqoonyahano iyo siyaasiyiin.

Fadhiga oo daba socday kulamo gaar gaar ah oo ay beeshu ku lafagureysay arrimaha Jubbooyinka ayaa waxaa kulankaas ballaaran lagu falanqeeyay in waxa ka socda magaalada Kismaayo ay yihiin dabargoynta beel kaliyah lagu hayo, taas oo ay sheegeen inaysan u dhicin si qarsoon balse maalin walba gudaha magaalada Kismaayo lagu dilo dad beesha SADE u dhashay, qaar kale hantidooda lagu boobo halka kuwa kalana lagu loogu cagajugleeyo dhulkooda taana ay tusaale muuqda u tahay in koox Raas kaambooni ay duulaan nafsadeed iyo mid hantiba ay ku soo qaadaan beeshaan.

Jaalliyada GALJUBA ayaa sheegtay in hadalkooda uusan iska imaan balse ay daraasaad gudaha iyo xogo ay isdhaafsadeen dadka ka soo jeeda beeshaan ee wadamo badan oo Yurup ah ay u arkeen in meel uga soo wada jeestaan isir-tirtirka ee ka socda Kismaayo.

“Fikirkaas waa mid ay wada arkeen jaalliyadaha iyo umada SADE ee 11 dal oo qaaradan Yurup ah ku nool iyo daafaha dunida, mana aqbali karno in nin duulaan ah oo dhulka dool ku yimid uu fidno qabiil oo dheeraata uu dabada ka riixo”. Sidaas waxaa yiri siyaasiga Aadan Cali Joogtaan oo ah afhayeenka Jaalliyada SADE ee Galjuba.

Aadan Cali Joogtaan oo ah afhayeenka Jaalliyada SADE ee Galjuba oo sii hadlaya ayaa yiri “Arrintaan waxaa masuul ka noqonaya dadka beesha SADE ee u fududeynaya kooxda Axmed Madoobe xasuuqa uu beeshaan ku hayo”.

Wakiilka ugaaska Beesha SADE Maxamud Sh Daahir Cali Ciye ee Belgium ayaa waxa uu isna sheegay in jaalliyada SADE ee dalkaan Belgium ay fariin cad u dirayso kooxda Axmed Madoobe, isagoo sheegay in dad uu laynayo maalin aan fogeyn maxkmad lagu soo taagayo.

Jaalliyada ayaa waxaa sidoo kale kulankooda ay ku soo qaadeen arrimaha horumarinta, waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo amniga deegaanada beelweynta SADE ee Galjuba, iyagoo bulshada beesha SADE meel kasta oo ay joogaan ugu baaqay inay ka shaqeeyaan walaaleynta iyo amniga.

Jaalliyada Beesha Sade ee dalkan  ayaa waxaa ay baaq u direen dowlada Federalka oo ay sheegeen inay leedahay mas’uuliyada dalka, ayna beel ahaan taageereen waxqabadka iyo nadaamka ay Soomaalidu wada dhisteen balse ay ku tilmaameen dawlada inay ka gaabisay waxa ka socda Jubbooyinka iyo  dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Jaalliyada waxa ay amaan u soo jeediyeen hayadaha xuquuqul insaanka oo iyagu diwaangeliya dhacdooyinka ay gaystaan kooxda Axmed Madoobe balse waxa ay ka codsadeen Beesha Caalamka in ay go’doomiyaan maamulka Axmed Madoobe oo ay sheegeen in lacagaha loogu deeqo lagu xasuuqo hal beel ah.

Odayaasha iyo waxgaradka oo sii hadlaya ayaa sheegay in Maamulka Dowlad Goboleedka Jubbaland ay beesha SADE ku taamaysay in magaciisa lagu walaaleeyo beelaha dhamaantood ee dega dhulkaas balse sida ay sheegeen waxa ay ugu yeereen maamulka dhiciska ah ee Jubbaland oo uu hoggaamiyo  Axmed (Madoobe) in uu cagta saaray wixii ay ka filayeen markii dhismihiisa ay faramarooqsadeen koox yar oo dana gaar ah wadata.

Mudadii uu kulanka soconayay ayaa dadkii goobta ka hadlay ay si care leh uga hadleen ninka sheegta madaxweyne kuxigeenka Axmed Madoobe Cabdulahi Fartaag oo ay sheegeen in damiirkiisa uusan ka danqin dhiiga dadkiisa ee beel ahaanta lagu daadinayo.

Hoos ka aqriso qodobo kasoo baxay shirka Jaalliyada SADE ee Belgium  

1.     Waxaanu ugu baaqaynaa in waxgaradka Beelweynta Sade meel walba oo ay caalamka ka joogaan ay si gooni gooni ah isaga arkaan waxa ka soconaya magaalada Kismaayo maadaama ay beeshaanu nabad iyo walaaltinimo kula soo noolayd beelaha kale ee gobolada Jubbooyinka waxa ay beeshu u baahantahay in ay go’aan ka qaadato mustaqbalkeeda Jubbooyinka maadaama handaada iyo dilka joogtada ah ee lagu hayo uu yahay mid aanu u aragno in la doonayo in lagu tirtiro jiritaanka beeshaan ee Jubbooyinka.

  1. Kooxda Axmed Madoobe waxaanu ugu baaqaynaa in ay ogaadaan in aysan dalka ku joogi Karin Taangi islamar ahaantaasna ay joojiyaan dilka iyo boobka lagu hayo beesha SADE.
  2. Jaalliyadu waxay codkeeda ku biirinaysaa cuqaasha iyo waxgaradka Beelweynta SADE ee horey ugu baaqay nabadda, waxaana muhiimad u aragnaa dib u heshiisiin guud oo dhex marta dadka walaalaha ee degan deegaanada Jubbooyinka.
  3. Beeshu waxay aad uga xuntahay in Dawlada Soomaaliya ay heshiis aana laga soo qeybgelin dhinacyadii Kismaayo ku dagaalamay la gasho Axmed Madoobe, iyadoo aanu wada ognahay in xaqdarada aysan meel gaarin, oo Axmed Madoobe uu DF uga baxay heshiiskaas.
  4. Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoopiya ee dhulkaas ku sii socda waxaanu ugu baaqaynaa in dadka Kismaayo ay ka dulqaadaan dulmiga Taangiga Kenya iyo kooxda Axmed Madoobe oo si barer ah u abaabusha barakicin, xasuuq la bartilmaansado qabaa’il gooni ah. 

Wariye Abdixakiin Yaasiin Maxamuud

Antwerpen, Belgium

Email: filiqey@hotmail.com