Sawirro & Xog: Maxay Cumar C/rashiid & Prof. Gandi ka sameynayaan Finland

Helsinki (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd Cumar Cabdi Rashiid iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Prof. Gaandi, ayaa booqasho ku jooga dalka Finland.

Booqashadan, ayaa waxaa suurta geliyey jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland ee halkaasi, oo labada mas’uul halkaas geeyey, si ay uga shaqeeyaan danaha labada maamul.

Wafti ay labadna nin hoggaaminayaan, ayaa jimcihii magaalada Helsinki kula kulmay Baarlamaanka waddanka Finland iyo hay’adaha gar gaara wasdamada soo koraya ee wadanka Finland ka jira.

Siyaasiyiinta iyo ha’adaha waddanka Finland, ayaa warbixin ballaaran oo ku aadan xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan deeganada Jubaland iyo Puntland iyo sida ay suurtogal u tahay in waddanaka Finland ku caawin karo waxaa siiyey Cumar Cabdi Rashiid Prof. Gaandi.

Wafdig, ayaa waxay mahad u celiyeen wadanka Finland oo marti geliyey, waxbarasho iyo baasaboorana siiyey kumanaan Soomaaliyeed oo waddanka degen, waxayna ugu baaqeen Soomaalida Finland inay ka faa-iideystaan aqoonta iyo wanaaga wadanka, dabadeedna ay dib ugu celiyaan wanaagaas waddankii ay ka yimaadeen, si waddanku uu uga baxo dhibka hadda uu ku jiro.

Gaandi iyo Cumar Cabdirashiid, ayaa u sheegay Finland in dalka Soomaaliya uu hadda marayo meeshii ugu fiicnayd, waxayna xuseen in ciidamada AMISOM dhisayaan maamul goboleedyo, sida ay ayaga u arkaanna ay taasi tahay arrin wanaagsan.

Waxaa iyaguna goobta ka hadlay hay’ado iyo ganacsato reer Finland ah oo aad u danaynayey inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya iyo inay dhisaan warshado kalluumaysi, waxna ka qabtaan beeraha iyo xoolahaba.

Gebogebadii shirka waxaa laysla qaatay inay lagama maarmaan tahay in Finland iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee waddankan ku nool iyagoo is kaashanaya ay ka qayb qaataan horumarinta iyo xirfad in la baro dhalinta Soomaaliyeed, si aan loo duufsan shaqo la’aanta haysa awgeed.

Sawirrada kullanka

gandi 1gandi 2gandi 3gandi 4gandi 5gandi 6gandi 7gandi 8gandi 9gandi 0

Caasimada Online
Xafiiska Helisink
Caasimada@live.com