SIILAANYO oo taarikh iyo yaab dhigay

Laasqoray (Caasimada Online)- Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maantay booqday degmada Laasqoray ee gobalka Sanaag.

Taarikhda waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Somaliland uu boqdo Laasqoray 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Waxaa Laasqoray isku heesta maamulada Somaliland iyo Puntland, mid kastana wuxuu sheegaa in uu isaga maamulo.

Waxaa la socday madaxweyne Siilaanyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa iyo saraakiil ciidan.

Waxa ay booqdeen goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalada waxaana ka mid ah Isbitaalka Laasqoray oo hadda xiran, waxaana wasiirka caafimaadka oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha uu ballan qaaday in Isbitaalka uu u soo diri doono qalab iyo baabuur Ambalas ah.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalmahan socdaalo ku marayay dhul badan oo ku yaalla xeebaha Somaliland isagoona horrey u soo maray Berbera iyo Saylac, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com