Doorashada maamulka 3-da gobal oo beri ka dhaceysa magaalada Beydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Beydhabo waxaa maalinta beeri ah lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada maamulka seddaxda gobal loogu dhisaayo.

Magaalada waxaa tan iyo shaley ku soo qulqulaayay xildhibaanno, siyaasyiin iyo dadweyne doonaya in ay ka qayb qalaan doorashada.

Doorashada ayaa ka dhici doonta Hotel Bakiin oo ku yaalla duleedka Beydhabo, waxaana ka qaybgalay siyaasiyiin iyo xildhibaanno.

Waxaa la adkeeyay ammaanka Hotelka Bakiin waxaa la keenay ciidao fara badan kuwaasoo sugi doona ammaanka inta ay doorashada socoto sidda uu sheegay wariyaha Caasimada Online ee Beydhabo.

Doorashada berri waxaa maamul loogu dhisayaa seddax gobal oo ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waa doorashadii labaad oo ka dhacda Beydhabo bishii horre ayaa maamul ka kooban lix gobal lagu dootay xarunta ADC-da oo ku taalla duleedka Koonfureed ee Beydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Casimada@live.com