Sawirro: Tubeec oo lagu aasay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu goordhow soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho, waxaa dugsiga tababbarka booliiska ee Gen Kaahiye lagu aasay meydka fannaanka weyn Maxamed Saleebaan Tubeec oo dhawaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Jermalka.

Aaska marxuumka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed,iyo fannaaniin.

Waxaa kaloo aaska ka soo qaybgalay ehellada fannaanka oo ay ku jirto hooyadiis oo la sheegay in 90-jir ay tahay.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed oo ka hadlay goobta lagu aasay, ayaa sheegay fannaanka in uu kamid ahaa dadkii doorka ka soo qaatay gobanimada Soomaaliya, wuxuu kaloo sheegay in uu ahaa qof jecel Soomaalinimada.

Si kastaba, meydka marxuumka ayaa saakay laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii ay keentay diyaaradda Turkish Airline.

Waxaa la xiray intii meydka laga soo dajinaayay garoonka qaar ka mid waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho gaar ahaan waddada aada garoonka diyaaradaha.

1926654_686882914708603_640202550_n

1900134_686882888041939_152996456_n

DSC04211

DSC04345

DSC04348DSC04348

DSC04210

DSC04345

Haddaba markale waxa ay maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Caasimada Online ay lee yihiin marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec illaah jannada ha galiyo dadkii uu ka baxayna samir iimaan allaha ka siiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@livec.om