DF Somalia oo lagu wareejiyay beer uu lee yahay amiirka waddanka Kuwait

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay beer uu ku lee yahay amiirka Kuwait magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Beertan ayaa waxaa 23-kii sanno ee la soo dhaafay gacanta ku hayay muwaadiniin Soomaaliya.

Xafladda lagu wareejinaayay beerta waxaa ka qaybgalay wasiirka arrimaha ammaanka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Gen Gaafow, saraakiil ciidan iyo maamulka gobalka Shabeellaha Hoose.

Amiirka Kuwait, Sheekh Sabaax Axmed Al Sabaax ayaa la sheegay in uu codsaday beertiisa in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo wakiishay wasiirka amniga oo lagu wareejiyay beerta.

Nin u hadlay dadkii hayay beerta amiirka ayaa sheegay in si shuruud la’aan ah ay ku wareejinayaan beerta oo hayeen muddo 23-sanno, isagoona caddeeyay in ay ku wareejiyeen wariiska amniga oo wakiil ka ah madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn uga mahad celiyay muwaadiinta Soomaaliyeed ee gacanta ku hayay beerta Amiirka Kuwait, waxaana uu sheegay in laga abaalmarin doono muddada ay beerta hayeen.

Wasiir Cabdikariin ayaa xusay in amiirka oo shakhsi ahaan u leh beerta in uu soo codsaday beertiisa in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com