Sawirro: Beelo kale oo Muqdisho dega oo kalsoonida kala laabtay DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed ayaa shalay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ka dhigay Banaanbax Ka dhan ah Dowlada Federaalka Soomaaliya ee uu Hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Beelahaan oo aan inta badan looga baran banaanbax noocaan oo kale ah, ayaa shalay ku muujiyey sida ay uga soo horjeedan hanaanka dowladnimada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Hogaaminayo iyagoo Cod aan loo kala harin ku cadeeyay inay kalsoonidii kala laabteen Dowlaad Federaalka Soomaaliya.

Banaan Baxaan oo ay hor boodayeen siyaasiyiinta, odoyaasha dhaqanka, waxgaradka, Aqoonyahanada, Haweenka iyo dhalinyarada ku abtirsata Beeshaasi ayaa waxa ay muujinayeen Cabashadooda Qaabkii Dowlada Federaalka Soomaaliya ay u wajahday Xubnaha Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Beelaha Banadiriga Soomaaliyeed, waxa ay ku andacoodeen in sadkoodii la duudsiyay iyagoo xusay in Dowladdu aysan fiirin doorka beelaha Banaadirigu ku lahaayeen awood qeybsiga Maamulka Gobolka Banaadir.

Halkan ka arag sawirrada banaanbixii shalay

banaadiri 1banaadiri 2banaadiri 3banaadiri 4banaadiri 5banaadiri 6banaadiri 7

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com