Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan Jimcihi werinay Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia iyo Saraakiil kale oo lagu amray in lagu hor baaro Diyaarad ay ka raacayeen Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa waxaa iminka kasoo baxaya xog cusub.
Xogtan cusub, ayaa waxa ay sheegeysaa in saraakiil caddaan ay ku qasbeen Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia, Jenerl Cabdixakiim Dahir Saciid “Jeneral Saacid” iyo Saraakiil kale in la baaro, ka hor intaysan raacin Diyaarad ku sii jeeday magaalladda Gaalkacayo.
Wafdiga Jeneral Saacid ayaa safarkooda hawleed ku aadanaa si ay u soo xiraan Tababar ciiddamadda Boliska uga socday Dugsiga Tababarka Carma ee Puntland.
Ilo-wareed lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Saraakiisha caddaanka ku amreen Jeneral Saacid iyo xubnihii la socday inay gacmaha kor u taagaan si loo baaro, taasi oo ay Saraakiisha Boliska aad uga caroodeen.
Taliyaha Boliska Somalia, waa uu diiday in la baaro, waxayna taasi keentay muran dhaliyey inay dib u dhacdo Diyaaradda ay Saraakiisha Boliska u raaci lahaayeen magaalladda Gaalkacayo.
Waa markii Labaad oo ay Taliyaha Boliska Somalia, Jeneral Saacid oo ay sharaf-dil ku sameeyaan Saraakiil ka tirsan AMISOM.
Lix bilood ka hor ayey ahayd markii Jeneral Saacid loo diiday inuu galo Xeradda Taliska AMISOM ee Xalane, oo uu xilligaas kula ballansanaa inuu la kulmo Saraakiil ka tirsan Taliska AMISOM.
Jeneral Saacid ayaa xilka Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia loo magacaabay bishii May 11-dii ee sannadkii hore, isagoo xilkaasi kala wareegay Taliyihii hore ee Boliska Somalia, Jeneral Shariif Shiikhuna Maye.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]