Dhageyso: MUUNGAAB: Heliwaa ayaan toddobaadka soo socdaa uguurayaa

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in maamulkiisa uu ugu guuri doono degmada ugu ammaanka daran Muqdisho oo ah Heliwaa.

Isagoo ka qaybgalayay Barnaamija Martida Makarafoonka ee VOA-da ayaa waxaa kaloo la weydiiyay bal in uu ka warrmo qorshiisa ku aaddan amniga magaalada Muqdisho.

Wuxuu yiri Magaalada Muqdisho in dhawaan laga sameyn doono howgallo culus oo la doonayo in nabad diidka looga nadiifiyo, isagoona sheegay in magaalada Muqdisho ay maanta ka fiican tahay xilliyo horre oo la soo maray isla markaana ay ka horeyso xagga ammaanka magaalooyin waaweyn oo ka ciidan iyo dhaqaale fiican.

Wax yaabaha kale ee la weydiiyay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaasha ka arrimiya 16-ka degmo ee Muqdisho waxa maamulo guddoomiyaal la moodo in ay dhaxal meesha lagu keenay.

Muungaab ayaa tilmaamay in guddoomiye kasta xilka uu hayo aanu ahayn boos uu isaga lee yahay ee loo gooyay kii la socon waayo barnaamijka cusub ee uu wato “Waa Hadaafaa ku shaqeenayaa ayaa la keenaa” ayuu yiri.

Waxaakaloo la weydiiyay in maamulkiisa uu ku shaqeyn doono qorshihihii uu ku tallaabsaday maamulkii ka horreeyay, wuxuu caddeeyay wixii wanaag ahaa in ay ka qaadan doonaan wixii ay ka gaabiyeen in ay isbadal ku sameyn doonaan.

Muungaab waxaa kaloo la weydiiyay sidda uu ka yeelayo isqabqabsiga la xiriira dhinaca dhulka oo ah kiisaska ugu badan ee loo keeno maxkamadaha.

Wuxuu yiri “Gabi ahaan waa la joojiyay wax cabir dhul la dhaho, sidda aan xafiiska u qabtay ma jirto wax dhul la dhahaayo, waxaa la hagaajin doonaa waaxda dhul bixinta waxaana loo keenaya khuburro” ayuu yiri Muungaab.

Muungaab waxaa kaloo uu xusay in uu guuri doono degmada Heliwaa si uu hormuud ugu noqdo wasiirada iyo madaxda dowladda oo isku kuusay Villa Somalia iyo waddada Makkah Al-Mukkarramah.

Barnaamijka oo dhameystiran ka dhageyso xagga hoose.