Qoys Somali ah oo carruur ay dhaleen looga qaatay dalka Norway, Sabab?

Oslo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah hey’addaha badbaadiya carruurta ee dalka Norway ayaa afar qaatay afar carruur ah oo ay dhaleen qoys ku nool Waqooyiga dalkaas.

Arrintan ayaa daba socota markii wiil ay dhaleen qoyska uu si kadis u geeriyooday, taasna ay keentay hey’addu in qoyska ka qaadato carruurta deetana ay xabsi dhigtay hooyadii iyo aabihii dhalay carruurta.

Si kastaba, qoyska ayaa dhawaan tagay dalka Norway oo waaba ay ku cusub yihiin, waxaana ay ahaayeen qoys aad u fiican oo xaneeneesta carruutooda sidda uu sheegay guddoomiyaha jaaliyada deegankaas Maxamed Baxnaano.

Wiilka geeriyooday oo ahaa seddax jir ayaa ku dhintay isagoo la cayaaraya ilmaha kale ee qoyska ay dhaleen, waxaana la sheegay in tiro ka labo jeer uu wajiga dhulka ku dhusaday.

Wiilka waxaa kaloo la sheegay in uu xanuunsanaa oo wareega madaxa ayaa ka weynaaday, sidda uu sheegay Maxamed Baxnaano oo u warramay VOA-da.

Markii la xiray hooyada iyo aabaha dhalay carruurta la qaatay oo magacyadooda lagu soo gaabiyay Maxamed iyo Fahiimo hooyada waa la iska soo daayay, aabihiina waxaa lagu xukumay afar toddobaad oo xarig ah.

Hey’addan waxaaba la lee yahay in ka badan 2000 oo carruur Soomaali ah oo laga soo qaatay qoysas Soomaali ah ayeeba heesaa, badnaana dib looma soo celiyo carruurta.

Arrintan waa mid ay ku badan tahay qoysaska Soomaalida ee ku nool qurbaha, waxaana ay inta badan dhacdaa marka uu khilaaf soo kala dhex galo labada tiir ee qoyska oo ah Aabaha iyo Hooyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

Caasimada@live.com