Midnimada iyo qarannimda Somalia oo qatar ku jira kadib markii DF Somalia..

Ka dib markii lagu hungoobay rajadii laga qabay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu majaraha u hayo ninka lagu magacaabo Xasan Sheekh, Ayaa waxaa soo badanayo fikiradaha taageerayo gooni-isutaagga Somaliland,Kawaas oo ka imaanayo Soomaalida gaar ahaan dadka reer Koonfureedka ah,Waxaana tusaale kuugu filan sida looga qeyb galayo 18 May.Maalin madow iga dheh

Tan iyo markii lagu dhawaaqay Maamulka Somaliland muddo haatan laga joogo dhowr iyo Labaatan Sano, Waxa ay Siyaasiyiinta reer Somaliland iyo taageerayaashooda dadaal dheer ugu jireen sidii ay u heli lahaayeen ictiraaf laakiin nasiib wanaag ma jiro dal ilaa Maanta aqoonsaday Maamulkaasi ama xitta olole ugu jira ictiraaf raadintooda.

Maamulkan midnimo diidka ah,Ayaa waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii loo ictiraafi lahaa, Isagoo kaalmeysanayo dalal cadow ku ah Umadda Soomaaliyeed,Waxa uuna garaacay albaaab kasta oo uu u arkaayey in uu ku caawin karo aragtidooda guracan ee ah kala dhaantaalidda midnimada iyo wadajirka Wadanka laakin Ilaahay Mahaddi dalna ma dhageysan calaacalkooda foosha xun.Wallee Sayidka run sheeg.

Maadaama aysan Caalamka u muuqan kala duwanaansho dhanka Diinta,Midabka,Dhaqanka iyo Luuqadda,Waxa ay taasi keentay in la waayo wadan aqoonsado ama xitta u ololeeya gooni-isutaaggooda laakiin waxaa hadda muuqanayo is badal weyn ka dib markii ay Soomaalidu dabacday dhib badan ka dib,Islamarkaana ay ogolaatay in loo taliyo.

Ka dib markii ay saaxada soo galeen Siyaasiyiin aan lahayn khibrad iyo han sareeya, Islamarkaana ay fashilmeen dowladihii laga dhisay Koonfurta oo ay ku jirto midda hadda jirta,sidoo kalena ay daaleen Shacabkii Soomaaliyeed, Ayaa waxaa soo baxayo Siyaasiyiin iyo Oday dhaqameedyo ku baaqayo in la fasaxo Somaliland Islamarkaana la ictiraafo,Waxaana tusaaale u soo qaadan karnaa Odayaashii reer Koonfureedka ahaa ee booqday deegaanada uu ka taliyo Maamulka Somaliland.

Ka dib markii ay Dowladda Federaalku ka baxday Ku-meelgaarkii, Islamarkaana la doortay Madaxweynaha hadda jira Xasan Sheekh,Ayaa waxaa la filaayey in ay wax badan is badali doonaan gaar ahaan amniga iyo siyaasadda laakiin nasiib daro waxa dhacday waxa ay Soomaalidu u taqaanno ka daroo dibi dhal, Waana sababta keentay in ay soo baxaan dad reer koonfureed ah oo ku baaqayo in la ictiraafo Somaliland.

Waxa Iyadana arimaha sii xumeeyey nidaamka federaalsim-ka, kaas oo noqday mid sii kala qoqoba dalkii, waxaana tusaale kuugu filan waxyaabaha ay sameynayaan Maamulada Puntland,Jubaland,Galmudug,Ahlu-sunna iyo Koonfur galbeed,Kuwaas oo u dhaqmayo sida dowlado ka madax banaan Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo ninka lagu magacaabo Xasan Sheekh.Wallee hadaan sidaan ku moodno kuuma sabcineyn.

Karti xumida haysata guud ahaan Siyaasiyiinta Soomaalida gaar ahaan kuwa hadda majaraha u hayo Dowladda Federaalka iyo wada shaqeyn la’aanta kala dhaxeysa Maamul goboleedyada,Waxa ay fursad siisay Maamulka Somaliland in uu u dhaqmo sidii dal madax banaan halka ay ahayd in la cadaadiyo lagana soo xiro albaab kasta oo la awooda si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Dalka laakiin naiib daro taasi ma dhicin.

Hadaba arimo badan oo isu tagay dartood, sida karti xumida haysata ninka hogaamiya Dowladda Federaalka oo aad mooddo in aysan qiimaba la lahayn midnimada iyo wadajirka Dalka iyo ku mashquulidda ay Soomaalidu ku mashquushay maamul goboleedyada,Waxa ay keentay in ay soo baxaan codod badan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanibba,Kuwaas oo ku baaqayo in la ictiraafo Somaliland,Taasoo suurtagal ka dhigi karta hadday sii socoto in la aqoonsado Maamulkaasi.

Maadaama ay Somaliland qarka u saran tahay in la ictiraafo, Iyadoo ka faa’iideysaneyso karti xumida haysata Madaxda hogaamisa Dowladda Federaalka sida Madaxweynaha,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha, Sidoo kalena ay sii yaraanayaan dadka Wadaniyiinta ee u taagan maslaxada guud. Hadaba muxuu ku danbeyn doonaa dalka Soomaaliya ? maxaase dhici doona haddi la aqoonsado Somaliland ?

Horta Ilaahay baa garanayo waxa dhici doona laakiin marka aad fiiriso faragelinta lagu hayo dalka iyo waliba sida ay u dhaqmayaan dadka Soomaaliyeed,Waxaa ii muuqato in la aqoonsan doono Somaliland ka dibna ay raaci doonto Puntland oo hadaba u dhaqmeysa sidii dal madax banaaan,Waxaana tusaale kuugu filan hadaladii ka soo baxayey ninka hogaamiya Maamulka Puntland,Kaas oo uu sheegay in ay Qunsuliyad ka furanayaan dalka Yemen,Halka inta soo hartayna ay noqonayaan maamulo yar yar oo ay kor ka maamulaan dalalka dariska ah sida Itoobiya iyo Keny oo kale.

Haddaan u soo laabto maxaa dhaci doona haddii la aqoonsado Somaliland, Sidoo kalena ay Puntland dhinac u istaagto,Kolay Anigu waxa ay ila tahay in ay Sedex arimood mid dhici doonaan,Waxa ayna kala yihiin Sedexdaas arimood :-

1-In uu Koonfurta ka dilaaco kacdoon Islaami ah sidii kii Maxaakimta oo kale ka dibna uu ku fido qeybaha kale ee dalka

2-In uu dhasho urur wadani ah sidii SYL oo kale ka dibna uu ku faafo dal iyo dibadba.

3- iyo in ay Soomaalidu ogolaato in uu dalku kala gogo’o ama uu sii ahaado sida uu hadaba yahay Somalilandna la ictiraafo .

Waa laga yaaba dhinaca kale in ay Soomaalidu heshiiso laakin marka aad fiiriso sida ay wax u socdaan hadda, iyo sida ay u sii yaraanayaan dadka daneynaya danta guud,Waxa ay u muuqataa in lagu kala tagay dalkan oo aan dib loo arki doonin dal Soomaaliyeed oo mid ah, Islamarkaana ay ka jirto dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh. Alla Soomaali ma sidan baa u danbeysay ?

Qowm ma qaadin wadada ay hayno illaa hadduu qaado waxaa ku dhaco waxa Maanta nagu dhacay, Hadaba hadday jiraan dad Soomaali ah oo ay ku jirto wax yar oo Soomaalinimo ah, Islamarkaana ka naxayo dalkan iyo dadkan,Waxaan soo jeedinayaa hal talo oo aan is leeyahay waa midda kaliya ee na hortaallo Maanta, waa haddaan dooneyno Sharaf iyo Karaamo,Waxa ayna taladaasi tahay midda soo socoto:-

1-In la dhiso xisbi wadani ah sida SYL oo kale,Kaas oo u istaaga badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed inta ay goori goor tahay

Haddii la dhiso xisbigaas loona dhiibo dad wadaniyiin ah sida Farmaajo oo kale,Waxaan aaminsanahay in la badbaadin karo dalkan qarka u saran in uu baaba’o.

W/Q:Abdullahi Ibrahim Cumar
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid