Xog: Xasan Sheikh oo billaabay qorshe lagu beddelayo xildhibaanno badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Somalia ayaa wado qorshe uu ku xaqiijinayo in mar dambe xilkiisa aysan shaki gelin xildhibaanno mucaarad ah oo mooshin soo diyaariya.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan kulan Qarsoodi ah oo si gooni gooni ah ula qaatay 50 odeyaal Dhaqameedyo ka tirsan odayaashii soo xulay Baarlamaanka haatan jira isagoo isku dayaya inuu ka dhaadhiciyo qorshe ay kusoo xulayaan Xildhibaano cusub oo kamid noqonaya Baarlamaanka Somalia.

Madaxweynaha ayaa doonaya in isaga uu u keeno rag taageersan, ayaguna ay ansixiyaan si xildhibaanno looga dhigo.

Odayaasha Dhaqanka ayaa lagu warramay in inta badan ay ka biyo diideen soo jeedinta qorshaha uu xasan Sheekh watay ee ahaa in la badalo Xildhibaano ay horey u soo xuleen Odayaashaan laguna badalo Mudanayaal cusub oo taageersan Xasan Sheekh Maxamuud.

Odayaasha Dhaqanka ee sida gaarka ah ugu hor yimid Qorshaha uu watay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kamid ah Maxamuud Cali Ugaas iyo Iimam Maxamed Yuusuf kuwaas oo uu kala hadlay inay badalaan mudanayaal haatan ka tirsan xildhibaanada Somalia.

Prof.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u dalbaday in xubinimadooda laga xayuubiyo Xildhibaanada kala ah C/qaadir Cosoble iyo Cumar Finish kuwaas oo hormuud u noqday loolanka la doonayo in Xilka looga rido Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada xildhibaanba waxa ay ku beel yihiin madaxweynaha oo waa Abgaal.

Nabadoon Maxamuud Cali Ugaas iyo sii hayaha Xilka iimaamka Maxamed Yuusuf ayaa si cad ugu hor yimid qorshahaan uu Xasan Sheekh soo jeediyay ee uu ku rabo in ay biloow u noqdaan Odayaal Dhaqameedyo loo soo jeediyay inay badalaan Xildhibaano haatan shaqeeyo oo ay ku badalaan kuwo cusub.