KENYA oo xabsiga dhigtay WASIIR iyo xildhibaan ka tirsan DF SOOMAALIYA

Nairobi (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online aya ogaatay in booliska Kenya ay xabsiga dhigeyn wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo mudane baarlamaan.

Wasiirka la xiray oo lagu magacaabo Saalim Caliyow Ibrow waa wasiirka xanaanada xoolaha,dhirta iyo daakha ee xukuumadda Soomaaliya, halka xildhibaanka la xiray lagu magacaabo Caadil Sheegow Sagaar.

Labadan mas’uul ayaa waxaa kaloo lala xiray xaasaskooda iyo carruurtooda siddaas waxaa Caasimada Online u xaqiijiyay Cabdisataar Xasan Cali oo horrey u ahaa diplomaasi ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Nairobi.

Maxaa lagu sheegay sababta loo xiray?

Sidda ay lee yihiin ilaha warkan aan ka soo xignahay waxaa mas’uuliyiintan ka tirsan dowladda fedaraalka laga soo qabtay hotel ay ka daganaayeen Nairobi, waxaana ay heesteen baasabooro aan sharci ahayn.

Waxaa kaloo la lee yahay arrimaha loo heesto dowladda Soomaaliya waxbo kama qaban karto oo waxay u taallaa dowladda Kenya.

Mas’uuliyiintan, xaasakooda iyo carruurtooda ayaa la soo qabtay xilli howgallo ciidanka Kenya ay ka wadeen Nairobi.

Waa markii labaad oo dowladda Kenya ay xirto mas’uuliyiin ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Horrey ciidanka Kenya waxa ay u xireyn qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya Siyaad Maxammuud Shire balse waa la sii daayay dhow saac kaddib.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii uu falkaas dhacay u yeeratay safiirkeeda, in kastoo muddo labo toddobaad oo uu ku sugnaa Muqdisho dib ugu laabtay Nairobi markii la sheegay in ay raalligalin ay ka bixisay Kenya xariga diplomaasiga safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Safaararadda Soomaalida ee Kenya oo xiriir aan la sameenay ayaa arrintan ka gaabsatay, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka NairobI

Caasimada@live.com