MIDOWGA AFRIKA oo baaq deg-deg ah kasoo saaray xaalad ka taagan Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddi-Hoosaadka Wakiilada joogtada ah ee Midowga Afrika, Danjire Adekunle J.M.King oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay natiijada kasoo baxday xog-ururin uu ku sameeyay xaaladda bani-aadamnimo ee Soomaaliya.

Danjire Adenkule ayaa sheegay in qeybo kamid ah Soomaaliya ay ka jirto xaalad adag oo dhanka cunnada iyo biyaha ah, isaga oo soo jeediyay in wax laga qabto duruuftaas si loo badbaadiyo dad badan oo haatan nool.

“Xaalada abaareed ee ka jirta Soomaaliya awgeed waxaa loo baahan yahay in la helo jawaab deg deg ah oo lagu gacan-qabanayo dadka saameynta taban ku reebtay abaartaas oo deegaano badan ka barakicisay qoysaskii degenaa,” ayuu yiri Danjire Adekunle.

Tirakoob la sameeyay ayaa muujinaya in tirada dadka ku nool Soomaaliya macaluusha ka hor ama ku dhow xaaladaha macaluuleed ay korortay shan jeer tan iyo bilowgii sannadkan 2022-ka.

Dhawaan unbey aheyd markii uu Isku-duwaha gargaarka bini-aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu si weyn uga digay xaalad deg-deg ah oo masiibo ah oo ka dhici karta Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta xaalad bani-aadamnimo oo saameyn taban ku reebtay ku dhawaad 8 Milyan oo ruux oo Xoolo dhaqato iyo Beeraley ah, kaddib markii is-badelka Cimilada saameysay dhulkii ay beeranayeen oo biyo la’aan u qalalay.