Dhageyso: Jeneraal Odawaa oo shaaciyey in Shabaab badan la laayey maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaaladii gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo maanta kooxda laga xoreeyey deegaano badan.

“Maanta waxaan Khawaarijta ka saarnay deegaano muhiim ah, waxaana soo gaaray jab xoog leh, Jiinka Wabiga, gaar ahaan aagga deegaanka Cali Fooldheere oo ah dhul keyn ah ayuu ciidanku ku weeraray, maanta dhulkii howdka ahaa ayaa laga saaray Khawaarijta,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in dhowr iyo labaatan Shabaab ah lagu dilay howlgalladii maanta, sidoo kalena hub laga soo furtay kooxda, “Aagga Aadan-yabaal waxaa jira deegaano lagu weeraray argagixisada, waxaana lagu gaarsiiyey jab xooggan,” ayuu yiri.

Taliye Odawaa oo wareysigaan siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay ay Al-Shabaab  gaarsiiyeen khasaare aad u baaxad weyn, maadaama dhowr goobood ay isku fara-saareen ciidanka dowladda.

“Kumanaan ayaan dilnay bilaha kooban ee dagaalkaan uu socdo, sidoo kale tiro badan ayaa isku soo dhiibtay gacanta dowladda,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa oo ku sugan magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in guulo waaweyn laga gaaray qorshaha ay doonayaan in Al-Shabaab looga xoreeyo dhulka HirShabeelle iyo Galmudug, isagoo aad ugu mahad celiyey shacabka deegaanka ee hubka qaatay.

“Sida aan indhaheena ku aragnay nimankaas argagixisada ah deegaanadii aan ka xoreynay wax nolol ah oo ka jirta malaha, hadii aan cadowga ka xoreyno, dowladda ayaa soo gaarsii doonta adeegyada aas-aasiga u ah nolosha dadka,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Hoos ka dhageyso wareysiga