Daawo: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay 51 qof oo wajahaya eedeymo culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay 51 qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ku eedeysan inay dhac ka geysanayeen degmooyinka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadkaan qaar waxaa loo heystaa inay ka garansanayeen waxyaabaha maanka-dooriya iyo farsamooyin kale oo ay wax ku dhici jireen, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka booliska oo shir jaraa’id qabtay.

“Howlgal soo bilowday 5-tii bishaan waxaa lagu soo qabtay 51-qof oo halkaan aan ku soo bandhignay, dadkaan waxay isugu jiraan, kuwo dadka dhacayey, kuwo ku eedeysan inay dhac geysa rabeen iyo kuwo ka ganacsanayey daroogada,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali.

Degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Deyniile, Wadajir, Yaaqshiid, Wardhiigley, Dharkenley iyo Kaaraan ayuu sheegay afhayeenku in dadkaan laga soo kala qabtay, isagoo shaaciyey degmo kasta inta laga soo qabtay, waxaana dadka ugu badan laga soo qabtay Yaaqshiid.

“Afar qof oo maxkamadda aan ku wareejinay waxay ku eedeysan yihiin inay ahaayeen burcad ku heshiisay inay waalidka lacag madax-furasho ah ka qaataan, iyagoo iska dhigaya in la afduubtay, waa farsamo yaab leh, waana fashilinay,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay inay dhalinyaradaan ku wareejinayaan hey’adaha garsoorka, si loo maxkamadeeyo, halka howlgalladuna ay sii soconayaan, si nabad looga dhigo magaalada.

“Hadii aan cid u ogolaaneyno inay dadkeena dhibaateyso, Khawaarij dagaal lama galneen, marka ciyaal weero iyo Shabaab isku si ayaan ula dagaalameynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sadiiq Doodishe.

Hoos ka daawo