Dagaal ka dhacay degmada Mahadaay iyo xubno Shabaab ah oo nolol lagu qabtay

Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab uu maanta ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Mahadaay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerareen deegaanada Obaale iyo Nasuur oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Kabtan Abuukar Axmed Taqi oo kamid ah Saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in khasaaraha u badan uu gaaray Shabaabka, kaasi oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada huwanta ay nolol ku qabteen Afar kamid ah xubnaha Shabaabka ah ee dagaalka kala dhaxeeyay, kuwaasi oo midkood uu yahay dhaawac, sida uu sheegay.

“Wax khasaare ah oo shacabka soo gaaray illaa hadda ma hayno. Nimankaan (Al-Shabaab) waad ogtahay meesha ay soo galaan waa ka qaxaan oo waa ka cararaan. Markaa shacab aan xooga badneyn waa joogaan magaalada, dagaalkana waxa uu ahaa magaalada afaafkeeda ee ma aheyn gudaheeda,” ayuu yiri.

Kabtan ayaa tilmaamay in qorshahooda uu yahay inay kooxda Al-Shabaab ka nadiifiyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka, si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan nabad buuxda oo ay ku noolaadan.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay kala wareegeen deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen.