Doorashada guddoomiyaha xiriirka K/Cagta oo loo xiray hal musharax iyo DF oo diiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa doorashada guddoomiyaha xiriirka u xiray hal musharax oo kaliya, ayada oo dhammaan la reebay musharaxiintii kale. 

Qoraal kasoo baxay xiriirka ayaa lagu yiri “Guddiga Racfaanka ayaa ku raacay go’aan uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada xiriirka kubbada cagta dalka oo lagu xaqiijiyay in shuruudaha doorashada uu soo buuxiyay hal Musharax oo ah mudane Guddoomiye Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo hadda ah guddoomiyaha xiriirka mar kalana u sharaxan xilkaas.” 

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Labada guddi ayaa isku raacay in Xasan Wiish iyo xubnaha uu wato aanay dhamaantood soo wada buuxin shuruudaha, sidaa daraadeedna aanu Xasan Wiish ahayn musharax, iyadoo halka musharax ee shuruudaha dastuurka ku xusan soo buuxiyay uu yahay Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).” 

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid uu Cali Shiine si iskiis ah isugu caleemo saaray guddoomiyaha xiriirka, maadama uu hadda si ku-meel gaar ah xilkaas u hayo, awooddana ay gacanta ugu jirto. 

Si kastaba, waxaa arrintan ku hartimid Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha dowladda federaalka. 

Qoraal ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo ka duulaysa xilka ka saaran Midnimada iyo isku wadka bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Ciyaaraha waxay caddaynaysaa inaan doorasho hal dhinac ah la aqbali doonin.”

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay “Sida ku cad heshiisyadii ay horay u gaadheen 21 September Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, gudiga Olombikadda iyo xiriirrada ciyaaraha dalka oo xiriirka kubadda cagtu ka mid yahay Wasaaraddu waxay leedahay kaalin kor-joogtayn iyo aqoonsi xalaalnimada doorashada xiriirrada kala duwan ee dalka.”

“Si loo xaqiijiyo madax banaanida xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxaa lagama maarmaan ah in ay qabtaan doorasho la aqbali karo oo dhinacyadu ku wada qanacsanyihiin sida ku cad dastuurka dalka iyo shuruucda xiriirka kubadda cagta.”