Sawirro: R/W Xamza oo laba wasiir ka guddoomay ballan-qaadka qorshaha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka guddoomay ballan-qaadka qorshaha waxqabad ee Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Biixi Iimaan Cige.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay madaxda labada Wasaaradood in la xoojiyo wada-shaqaynta kala dhaxeysa hey’adaha kale ee dowladda.

“Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta waa muhiim, iyada oo la dejinayo halbeegyo iyo qorshooyin wakhtiyeysan oo la hirgelin karo, si guulo la taaban karo looga gaaro sanadka cusub hawlaha muhiimka ah ee horqabadka u leh xukuumadda Dan-Qaran,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in xafiiskiisu dardar-gelin doono hirgalinta hannaanka casriga ah ee lagula soconayo warbixinnada iyo waxqabadka wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

“Guddoonka qorshe hawleedka wasaaradaha ayaa ku soo beegmay, iyada oo xukuumadda Dan-Qaran ay ku guuleysatay halbeegyo waaweyn oo la qabtay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay, waxaana la filayaa in sidan oo kale ay dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda ay u soo gudbiyaan qorshe hawleedka 2023,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Waxaa maalmihii dambe si dardar leh ku socda gudbinta qorshe hawleedka Wasaaradaha xukuumadda Dan-Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayada oo lagu jaangoynayo barnaamijka xukuumadda ee sanadka 2023-ka, Qorshaha Qaranka iyo aragtida Madaxweynaha.