Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo Axadii soo gaaray Muqdisho ayaa xalay kulan casho sharaf ah loogu sameeyay xarunta madaxtooyada qaranka, kaas oo ay ka qayb-galeen madaxda sare ee dalka, sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyeyaala labada Aqal, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Maxamuud Cali Yuusuf oo ka hadlay madasha ayaa ballan-qaaday inuu xoojinayo garab istaagga uu Midowga Afrika u muujiyo Soomaaliya, si ay u gaarto isku filnaan buuxda, ugana gudubto marxaladihii adkaa ee ay soo martay 30-kii sanno ee lasoo dhaafay.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale taageeray qorshaha Xasan ee ku aadan la dagaallanka argagixisada iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya, wuxuuna boggaadiyay labadaasi qodob oo uu tilmaamay inay gacan ku siinayaan madaxweynaha.
“Inta aan Guddoomiyaha Midowga Afrika ahay garab istaagga wax joogsanaya ma ahan, Soomaaliya waxa ay ku socotaa dhabbaha doorasho qof iyo cod ah.” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.
Dhankiisa, madaxweyne Xasan Sheekh oo isna hadalka qaatay ayaa u mahadceliyay guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, wuxuuna hoosta ka xaiiqay in Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka saaaran ee guud ahaan Qaaradda Afrika.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya iyo Jabuuti ay isku milan yihiin siyaasad ahaan iyo qadiyad ahaan, ayna yihiin walaalo, sidaas awgeed ay ula shaqeynayaan sidii Soomaaliya oo ku guuleysatay kursigaan oo kale.
“Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf waxa ay Soomaaliya kuu ballan-qaadeysaa in ay kaala shaqeyso mas’uuliyadda ballaaran ee heer qaaradeed ah, Nin Soomaaliya yaqaan oo duruufaheedana fahmaya oo xannuunka Soomaaliya dhiniciisa kasoo qabtay ayaa guddoominaya Midowga Afrika waana kaba sii fiican” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Horay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu taageertay Maxamuud Cali Yuusuf inuu noqdo guddoomiyahah cusub ee Midowga Afrika, isaga oo ka adkaaday musharrixii ka socday Kenya ee Raila Odinga, wuxuuna helay taageeradii loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka, taasoo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka qaaradda, oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah.
Diblomaasigan oo si fiican ugu hadla Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo Faransiis – ayaa si dhow ula xiriira madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Jabuuti oo ugu dambeyn hanatay kursigaan ayaa ka mid ah dalalka ugu dadka yar Afrika, iyadoo ay ku nool yihiin qiyaastii hal milyan oo qof, balse waxay leedahay goob istiraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay ku taallo badda u dhow marinka Bab-el-Mandeb, oo uu maro ganacsiga caalamiga ah.