MIDOWGA Murashaxiinta oo ku kala qeybsamay xiisadda Ahlu-Sunna iyo Galmudug – Sidee u kala raacsan yihiin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Midowga Murashaxiinta ay ku kala qeybsameen xiisaodda ka taagan Galmudug, halkaasi oo ay kooxda Ahlu-Sunna qabsatay dhowr magaalo.

Ilo-wareedyo ka tirsan Midowga Murashaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay inay kala noqdeen dhinacyo taageersan Ahlu-Sunna, dhinacyo taageersan maamulka Qoor Qoor iyo kuwa dhex-dhexaad ah oo aan meelna jirin.

Khilaafkan ayaa hor-istaagay in Golaha uu war-saxaafadeed lagu mideysan yahay kasoo saaro xiisadda, oo aanay illaa hadda si isku duuban uga hadlin arrintan, kadib markii la isku raaci waayey qaabka loo dhigayo qoraalka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo jeediyey in si buxuda loo taageero maamulka Qoor Qoor oo awood ciidan ay ku dhistay xukuumaddii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa. Waxaa sidoo kale in Qoor Qoor la taageero soo jeediyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hase yeeshee xubno kale oo ka mid ah Golaha oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa soo jeediyey in taageero shaacsan oo loo muujiyo Qoor Qoor iyo isku day awood sheegasho ay kasii dari karto xaaladda, oo ay horseedi karto dagaallo horleh.

Guuleed iyo Kheyre ayaa soo kala saaray laba bayaan Talaadadii, waxaana laga dareemi karay aragtidooda. Guuleed wuxuu ku baaqay xal iyo in si nabadeed wax lagu dhameeyo, halka Kheyre uu yiri “Si aan leex leexad laheyn ayaan u garab taaganahay nidaamka dowliga ah ee maamul goboleedka Galmudug, cid kasta oo ka hor timaada dowladnimada meel ha looga soo wada jeesto.” 

Dhinaca kale, xubno kale oo Golaha ka tirsan ayaa laga soo xigtay inaysan taageersaneyn Ahlu-Sunna balse ay rumeysan yihiin in Qoor Qoor aanu mudneyn garab istaag, sababo la xiriira sida indho la’aanta ah ee uu u taageersan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xubnahan ayaa soo jeediyey in lasoo saaro war-saxaafadeed aan meelna jirin oo nabad ku baaq ah, balse xubnaha tagaeersan Qoor Qoor ayaa sheegay inay taas ka dhignaan doonto taageerada Ahlu-Sunna.

Ma cadda sida uu khilaafkan ku dhammaan doono, waxayse u badan tahay inaanu marnaba golaha soo saarin war-saxaafadeed wadajir ah oo la xiriira xiisadda Ahlu-Sunna iyo Galmudug.