3 qodob oo laga soo saaray shir xasaasi oo ay yeesheen golaha wasiirada Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa shir xasaasi ah isugu yimid xalay xilli maamulka uu wajahayo xiisad dagaal oo kala dhaxeysa ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Ahlu-Sunna oo dhowaan soo rogaal-celisay ayaa qabsatay magaalada muhiimka ah ee Guriceel iyo deegaano kale oo yaryar, waxaana laga cabsi qabaa inay sidoo kale qabsato magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan caawa shir guddoomiyay shirka Golaha wasiirada Galmudug oo caawa ka qabsoomay xarunta madaxtoyada Dowlada Galmudug.”

Sida uu sheegay Qoo Qoor, kulanka ayaa diirrada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin; xaaladda guud ee amniga Galmudug iyo arrimaha doorashooyinka.

Dood iyo falanqayn dheer kadib, golaha wasiiradu Galmudug waxay soo saareen saddex qodob oo kale ah:

1- Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug, 

2- Goluhu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.

3- Goluhu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka ayadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso in ay gutaan waajibaadkooda.

Kulanka ayaa imanaya ayada oo shalay uu is-casilay wasiirkii amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, oo sheegay in isaga iyo Qoor Qoor ay isku khilaafeen sida loo wajahayo arrinta Ahlu-Sunna.

Fiqi ayaa sheegay inuu doonayo in wada-hadal lagu dhameeyo xiisaddan, balse sida uu yiri, Qoor Qoor ay ka go’an tahay in dagaal lagu kala baxo.