Dowladda Mareykanka oo cambaareysay go’aanka boqortooyada Sacuudiga

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si kulul ugu cambaareysay Sacuudi Carabiya inay ku adkeysatay xukun 20 sano oo xabsi ah oo lagu riday shaqaale gargaar oo lagu eedeeyey inuu twitter soo dhigay qoraal ka dhan ah dwladda.

“Waxaan ka niyadjabsanahay xaqiijinta xukunka lagu riday Abdulrahman al-Sadhan sababo la xiriira inuu si nabad ah u muujiyey xuquuqdiisa xoriyadda hadalka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Ned Price.

“Si dhow ayaan ula soconay kiiskiisa waxaana ka walaacsanahay tuhunada ku saabsan in Al-Sadhan loola dhaqmay si xun, oo uusan awoodin inuu la xiriiro qoyskiisa, islamarkaana xuquuqdii uu u lahaa maxkamad caddaalad ah aan la qadarin,” ayuu Price ku yiri bayaan uu soo saaray.

Sida ay sheegeen qoyskiisa, Abdulrahman al-Sadhan oo ah shaqaale ka tirsan Bisha Cas ayaa laga watay xafiiskiisa magaalada Riyadh March 2018, sababo la xiriira qoraal lasoo dhigay twitter aan la aqoon qofka leh, kaasi oo cambaareeyey xukunka boqortooyada.

Waxaa markii ugu horreysay xukun lagu riday bishii April ee sanadkan, taasi oo sidoo kale dowladda Mareykanka ay aad u cambaareysay. 

Walaashiis Areej al-Sadhan, oo haysata dhaslada Mareykanka, ayaa Talaadadii ku qortay twitter in 20 sano oo xabsi ah ku riday, taasi oo ay ku xigi doonto 20 sano oo mamnuuc dhanka safarada ah.