Wararkii ugu dambeeyey ee saameynta uu yeeshay khilaafka Roobe iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Jadwalkii doorashada oo ay horey ugu heshiiyeen madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhigayey in 10-ka bishaan October oo ay ka harsan hal maalin la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya inta ka horeysana la dhameystiro doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Laakiin sida muuqata hadda taas suurtagal maahan sababtoo ah weli waxaan la dooran xubnihii kamid noqon lahaa golaha Shacabka iyadoo maamulada qaar aysan soo dhameystiran xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka .

Doorashada Soomaaliya oo dhowr jeer dib u dhacday hadda caqabadda ugu weyn ee heysato ayaa ah khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dalka oo ku jira xaalad xasaasi ah oo doorasho haddana ma muuqato dadaalo lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeyo Farmaajo iyo Rooble inkastoo maamulada qaar ay isku dayeen inay xaliyaan khilaafka taasoo markii dambe guuldaro kusoo dhammaatay.

Soomaaliya oo muddo kusoo jirtay colaado sokeeyo, bulshada rayidka ah ayaa hadda walaac ka muujinayo in marxaladda siyaasadeed ee taagan ay sabab u noqoto in shacabka ay ka niyad jabaan rabitaankii dowladnimada ee mudada dheer ku taagnaa.

“Khilaafka Madaxda waxaa suuragal ah in uu dib usoo celiyo waxyaabo badan oo laga heshiiyay, runtii dib u dhaca ku yimid doorashooyinka waa mid aan ka walaacsanahay, haddii uu sii socda waxaa suuragal ah in dadku ka niyad-jabaan oo ay dib ugu laabtaan nidaamka qabiilka oo aan haatan loo baahneen,” sidaasi waxaa yiri Cismaan Shaatax oo la hadlay VOA.

Bulshada Rayidka ayaa xalka keliya looga badbaadiyo karo dib u dhac kale & is qabqabsiga siyaasadeed u aragta in xoogga la saaro qabsoomidda doorashooyinka oo aqal kamid ah labada Gole BFS la doortay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dowlad Goboleedyada, Somaliland & Banaadiriga ka dalbaday in ay ku dhaqaaqaan Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.