Fiqi iyo Nimcaan Hilaac oo si cajiib ah ugu jawaabay Barkhad Jaamac Batuun

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Al-Fanaan Nimcaan Hilaac ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland.

Fiqi iyo Nimcaan ayaa waxay naqdiyeen hadalka Barkhad uu ugu Jawaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble, islamarkaana uu uga hadlay dadka Koonfurta ee ay Somaliland bilowday raafkooda.

Batuun oo u jawaabayey Rooble ayaa waxa uu sheegay in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay amniga dalka Somaliland, uu dhiigooduna kala qaalisan yahay dheeman, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha ku tilmaamay mid reereed oo aan qaran aheyn.

Fiqi ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Ninikii heyb sooca ka sheeganayey ee taageerada badan arrintaas Soomaali oo Idil uga helay ayaa durbaba kursigii marka uu ku fariistay dad heyb-sooc lagu soo tarxiilay xuquuqdoodii dafiraya kuwii falkaas geystayna u muujinaya garab istaag.. Barkhad meel xun buu talaabo qaadka ka bilaabay!.”

Nimcaan Hilaac ayaa isagna yiri “Barkhad Jaamac Batuunow. Cilaajkeenu wuxuu lahaa Cid gaara oo inoo qaabilsan cayda koonfureed iyo inay ku digtaan, saaka iyagiibaad horbooday. Gobonimo koonfurbaa leh Allaha nabadeeyo.”

Si kastaba, Hadalka Barkhad ayaa si weyn loogu naqdiyay baraha bulshada, inkasta oo uu sheegay in ka xisbi Wadani ahaan ay aad uga xun yihiin masaafurinta dadkii laga soo saaray Laascaanood, gaar ahaan kuwa danta yar & dumarka.