Maxaa ka jira in ciidamada daraawiishta Galmudug u gadoodeen is-casilaadii Fiqi?

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay gadooday, iyaga oo la wareegay kastamka canshuuraha lagu qaado ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Koontoroolka ay Ciidamada gadoodsan la wareegeen ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug, hayeeshee ay si nabad ah uga tageen markii ay u yimaadeen ciidamada ka tirsan daraawiishta maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Ciidamada ay ka gadoodeen mushaar la’aan ay ka cabanayaan kadib markii Ciidamada kale ee Galmudug uu mushaarka u soo dhacay.

Axmed Falagle waxa uu kala fogeeyay wararka la isla xiriirinayo ee ah Ciidanka Gadoodka ka sameeyay Gobolka Mudug iyo is-casilaadda Wasiirkii Amniga Dowladda Galmudug, sida uu hadalka u dhigay Wasiir Falagle.

“Gadoodka Ciidanka lug kuma laha is casilaadda Wasiirkii Amniga, balse gadoodkoodu waxa uu salka ku hayaa mushaarka oo kasoo daahay, xalkooda ayaa la wadaa si loo siiyo xuquuqdooda,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Dhowr jeer ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee ku sugan degaannada Mudug iyo Galgaduud ay sameeyeen gadood, balse markii dambe la xaliyay.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa dhanka kale tilmaamay in la kordhinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, arrimaha ciidanka ee taagan ay yihiin kuwo lagu xoojinayo xasiloonida sida uu hadalka u dhigay.

Golaha Wasiirada Galmudug oo uu shir Guddoomiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoorayaa diiradda lagu saaray Xaaladda guud ee Amniga iyo Arrimaha Doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kulankaas kaddib sida ay shaacisay Madaxtooyada Galmudug.