Wararkii ugu dambeeyey ee Ahlu Sunna oo weerar ku ah Jaw Burujeed iyo Daadaale

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna ee dhawaan sida nabadda ah kula wareegay Magaalada Guriceel ee Gobolka Gaduud ayaa billaabay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Wararka naga soo gaarayo Guriceel ayaa sheegaya in ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay howlgal u aadeen deegaano hoostaga degmada Guiceel, sida degaannada Jaw Burujeed iyo Daadaale, halkaas oo la sheegya inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Ahlu Sunna oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay sidii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen deegaanada koonfureed ee Degmada Guriceel.

Saraakiisha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato xoog leh ku hayaan dadka Shacabka ah ee dagan degaannada Jaw Burujeed iyo Daadaale isla markaasna ay Ahlu Sunna dooneyso sidii dadka looga qaadi lahaa dhibaatada.

Dadka Shacabka ee ku nool degaannada Jaw Burujeed iyo Daadaale ayaa bilaabay inay isaga qaxaan guryahooda kadib markii ay kusoo dhawaadeen ciidamada Ahlu Sunna iyagoo cabsi ka qabo in dushooda lagu dagaalamo.

Hoggaanka Sar Sare ee Ahlusuna Waljamaaca ayaa dhowr jeer waxaa ay ku cel ciyeen in u jeedkooda uu yahau sidii ay ula dagaalami lahaayeen Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ay ciidamada Ahlu Sunna ka bilaabeen duleedka Guriceel ayaa kusoo aadayo xilli xiisad ay kala dhaxeeyso Madaxda Galmudug isla markaasna Dhuusamareeb lagu diyaarinayo ciidamadii weerari lahaa Guriceel.