Midowga Yurub oo 6 shardi ku xiray lacag uu siiyay Dowladda Somalia.

Midowga Yurub ayaa ku dhowaaqay shalay in maal gelin cusub uu ku sameyn doono Somalia, balse daba dhigay arrimo dhowr ah oo uu doonayo in maal gelintaas lagu fuliyo.

Ururka fadhigiisu yahay magaalada Brussels ayaa Dowladda Somalia waxa uu u ballan qaaday 158 milyan oo Euro.

Taa baddelkeeda ayuu ururka Dowladda Somalia u calaamadeeyay 6 arrin oo uu doonayo inay si dhab ah ugu qabato lacagtaas, waxaana ay kala yihiin.

1. Horumarinta maamul wanaaga
2. Xoojinta Amniga
3. Tayeyna waxbarashada dalka
4. Horumarinta Dhaqaalaha dalka
5. Dib u dhiska waaxaha cadaaladda
6. Abaabulka doorasho madax banaan oo caddaalad ah

Saraakiisha EU-da waxa ay sheegeen inay ka doonayaan Dowladda Somalia inay xooga saarto dhammaan arrimahaas, ayna ku guuleysan karto, ayada oo adeegsaneysa lacagtaas tirada badan.

Dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan u muuqday in caawimaada ay siinayaan Somalia ay daba dhigayaan waxyaabo ay ku adkeynayaan in loo hogaansamo, kadib markii madaxdii hore ee Dowladdii KMG ahayd lagu eedeeyay musuq maasuq.