29.2 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Midowga Yurub oo farriin u diray Xasan iyo Lafta-gareen kadib dhacdadii Waajid

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro ayaa ka hadashay xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, taas oo u dhaxaysa maamulka madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu si dhow ula socdo xaaladda sii cakirmaysa, iyadoo muujisay walaac ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida guud ee dalka, maadaama Koonfur Galbeed ay ka mid tahay meelaha muhiimka u ah amniga iyo la-dagaallanka Al-Shabaab.

Qoraal ay ku baahisay barteeda X (ex-Twitter) ayay farriin ugu dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen, iyadoo adkaysay in xal laga gaaro khilaafka uu ku imaan karo oo keliya wada-hadal toos ah oo dhexmara labada dhinac ee is-haya.

“Midowga Yurub wuxuu si walaac leh ula socdaa xaaladda sii xumaanaysa ee Koonfur Galbeed. Wada-hadal wax ku ool ah ayaa aad muhiim u ah xilligan, dhammaan dadaallada dhexdhexaadinta waa in la soo dhoweeyaa lana siiyo fursad,” ayay tiri safiir Di Mauro.

Sidoo kale waxay ka digtay in sii socoshada khilaafka noocaan ah ay horseedi karto cawaaqib amni iyo mid siyaasadeed oo daran.

Si kastaba, xiisaddan taagan ayaa salka ku haysa muran siyaasadeed la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo maamulka, iyadoo dhinacyada ay isku maandhaafsan yihiin hannaanka loo wajahayo mustaqbalka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, taas oo sii hurisay kala aragti duwanaan xooggan.

Khilaafkaan ayaa durba saameyn ku yeeshay xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee qaar ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo ay soo baxayaan baaqyo isa soo taraya oo ku aaddan in si degdeg ah xal nabadeed looga gaaro, si looga hortago in xaaladdu u gudubto heer ka sii daran.

Shalay ayey aheyd markii diyaarad ay la socdeen saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka lagu rasaaseeyay garoonka diyaaradaha ee degmada Waajid ee gobolka Bakool, taas oo muujinaysa heerka ay gaartay xiisadda labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News