Muqdisho (Caasimada online) Ururka Midowga Yurub ayaa ka doodaya sidii loo soo af-jari lahaa gabi ahaanba Weerarada ay qaadayaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ka qowleysta Xeebaha Soomaaliya kuwaasii oo sanadihii ugu danbeeyay weeraradooda hoos ay u dhaxeen.
Wakaalada Wararka ee dalka Kuwait ayaa baahisay in Wadamada Midowga Yurub ay ka fikirayaan suurta galnimada in gabi ahaaba laga waayo Xeebaha Soomaaliya iyo Goobaha ka baxsan dagaalada ay qaadayaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida kuwaasi oo dhibaatooyin ku haya Maraakiibta iyo Doonyaha isticmaala Marin Biyoodka Mashquulka badan ee Soomaaliya.
EU-da ayaa si loo soo afjarayo Burcad Badeeda tilmaantay inay kordhinayaan Taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidamada Midowga Yurub ee howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda u jooga Xeebaha Soomaaliya,waxayna si gaar ah u sheegeen inay kordhinayaan Tirada Ciidamada iyo Tayadooda ah.
Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo si hoose ula hadlay Wakaalada wararnka Kuwaite (KUNA),ayaa shaaca ka qaaday in Qorshahooda uu yahay sidii loo weyn lahaa dhalinyarada inta badan caadeysatay inay Weerarada ay ku qaadaan Maraakiibta iyo Doonyaha,waxaana Sidoo kale iyagana meesha ay ku jiraan Kooxaha ka soo ifabaxday dalka Nigeria.
Weeraradii Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliya ayaa sanadigii ugu danbeeyay hoose u dhac ku yimid.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

