Midowga Yurub oo qaaday tallaabo ka dhan ah ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida laga soo xigtay qaar ka tirsan warbaahinta dalka Kenya, Midowga Yurub ayaa dhimay lacagtii uu siin jiray ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, kaasoo wax ka badan 10 sano ka socda gudaha Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa dhimay 66% oo kamid ah lacagihii uu siin jiray howlgalka lagula dagaalamo ururka Al-Shabaab ee awoodda ku leh gudaha Soomaaliya, waxayna gaareysaa lacagta la dhimay in ka badan $45 Milyan.

Lacag dhimista uu sameeyey Midowga Yurub ayaa dhaqan geli doonto sanad maaliyadeedka cusub oo ka bilaaban doonta Bisha Luulyo ee sanadkaan, maadaama ay soo dhawaatay waqtigii loogu talagalay in AMISOM ay guud ahaan isaga baxdo Soomaaliya.

Sida qorshaha yahay, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lasoo gabagabeyn rabay Bisha December ee sanadkaan, iyadoo amniga dalka lagu wareejin lahaa ciidamada Soomaaliya inkastoo aysan hadda muuqan ififaalo muujinayo arrintaan, waxaana qorshahaan horey shaki u geliyey khubaro dhanka amniga ah.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya.

Ciidamada Kenya ee ka howlgalo Soomaaliya ayaa inta badan Fariisimahooda Militari ku leh deegaanada uu ka arrimiyo maamul Goboleedyada Jubbaland, waxayna Dowladda Soomaaliya dhowr jeer ku eedeysay Kenya in ciidamadeeda ay faragelin qaawan ku hayaan madax-banaanida Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa iydana dhankeeda ku dhawaqday isla waqtigaas inay gudaha u geli doonto Kenya, waxaana kooxdaan u suurta gashay inay weeraro khasaaro geystay ka fuliso gudaha Kenya iyadoo ku hanjabtay inay sii wadi doonto inta ciidamada Kenya laga saarayo Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab inkastoo weli lagu guuleysan la’yahay in la ciribtiro kooxdaan.