Midowga Yurub oo Somalia u ansixiyey miisaaniyaddii ugu horreysay taariikhda

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa waxa ay meelmariyeen dhaqaalihii ugu horreeyey abid ee ay ku tageerayaan miisaaniyadda Soomaaliya. Lacagta lagu kabi doono miisaaniyadda Soomaaliya ayaa gaareysa €100 million waxa ayna bilaaban doontaa rubuca dambe ee 2018 ilaa iyo 2021.

Lacagta miisaaniyadda lagu kabayo waxaa la soo marsiin doonaaa dowladda Soomaaliya, iyada oo la adeegsanayo nidamka ka jira dalka.

Fulinta waxa ay bilaaban doontaa October kaddib markii lagu heshiiyey tallaabooyinkii ilaalinta, taas oo u ogolaaneysa in la dhiso awoodda dowladda Soomaaliya iyo maamul gobollleedyadeeda. Tani waxay ka dambeysay markii ay yaraatay cabsidii laga qabay in lacagtan lagu aamini karo dowladda, sidoo kalenna qiimeyn lagu sameeyey habka hanti-dhawridda Soomaaliya, taasi oo muujisay is bedello lagu sameeyey hab maamulka maaliyadda dalka.

Midowga Yurub waxa uu Soomaaliya ka taageeri doonaa marka laga yimaaddo taageerada miisaaniyadda ee sidoo kale loo yaqaan (Dowlad dhisidda iyo qandaraaska adkeysiga), Federal-ka iyaga oo u soo maraya xoojinta maaliyadda ay dowladda u gudbineyso dowladdaha xubnaha ka ah.

Waxa ay xoojin doontaa heshiiska bulsho ee u dhexeeyey dowladda Federal-ka ah iyo shacabka Soomaaliya iyada oo si tartiib tartiib ah u kordhin doonta awoodda mas’uuliyiinta Soomaalida u leeyihiin bixinta adeegyada aas aasiga ah.

Ansixinta taageerada miisaaniyadan waxa ay qeyb ka tahay jawaabo baaxad leh oo ay caalmaku ka bixineyso tallaabooyinka wax ku oolka ah ee ay dowladda Federal-ka Soomaaliya ka bixisay isbdelka siyaasadeed iyo fulinta.

Tallaabadan ayaa imaaneysa hal maalin kaddib markii uu Bankiga aduunka ku dhawaaqay markii ugu horreeysay in Soomaaliya ay gacan ka heli doonto taageerada caalamiga ah ee horumarka ‘Interational Development Assistance iyaga oo dhaqaale taagulo ah siin doona dowladda Federal-ka markii ugu horreeysay 30 kaddib.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com