Wararkii ugu dambeeyey ee iska hor-imaadka Boosaaso + Dhimasho & dhaawac jira

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in laba qof oo rayid ahi ku dhinteen, laba askarina ay ku dhaawacmeen kadib markii maanta galinkii dambe dagaal dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo ciidamada ilaalada xabsiga Boosaaso.

Rasaas aad xooggan oo Labada dhinac iswaydaarsanayeen ayaa laga maqlayey inta badan magaaladda, sida ay sheegayaan dadka deegaanka. Wararku waxay intaa ku darayaan in dhawaqa rasaastu uu si is daba joog ah u socoday mudo nusa saac ka badan.

Labada qof ee rayidka ah ayaa la sheegay in ay rasaastu ku dhacday iyaga oo magaalada dhex maraya, halka labada askari ee dhaawacmayna ay ka mid yihiin ciidamada maamulka Puntland.

Iska hor imaadkan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay kadib markii ciidamadda Ilaaladda Xabsiga oo ka cabanaya mushahar la’aan mudo dhawr bilood ah ay xoog ku qabsadeen dhismaha xabsiga oo ay diideen in gudaha ay u galaan mas’uuliyiin Puntland ka tirsan.

Markaas kadib ayaa la sheegay in ciidamadii ilaalada u ahaa mas’uuliyiinta iyo kuwii xabsiga qabsaday ay isku dhaceen. Xaaladda ayaa la sheegay inay iminka degan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com