Aqri: DF oo soo bandhigtay xeer ay gaadiidka qaar uga mamnuuceyso dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee dowlada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la dhaqan galin doono xeer heer wasiir ah, kaa oo lagu howlgalin doono shuruucda uu gaadiidku lahaa.

Wasaarada ayaa sheegtay inay muhiim tahay in dib loo soo saari shuruucda xeerkan oo ka kooban 24 qodob ay ku dhaqmi doonaan gaadiidleeyda inta laga soo saarayo sharciyadii uu hore u lahaa gaadiidka dalka.

Cali Gacal Gaaboow, oo ah Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada Somalia, ayaa sheegay in marka Baabuurta lasoo dejinayo lasiin doono Taariko ganacsi oo gaar ah.

Waxa uu Agaasimuhu tilmaamay in qofka laga iibinayo lagu siin doono Buugga iyo Aqoonsiga uu wato, wuxuuna sidoo kale sheegay in la diiwaan gelin doono dhammaan geerishyada Magaalada ku yaalla.

Agaasimaha ayaa sheegay in Xeerkan uu suurto gelin doono in la mamnuuco Baabuurta uu isteerinkoodu yahay dhanka Midig, lana soo celin doono nidaamkii hore Isteerso bidixda si loo badbaadiyo Nafta iyo hantida shacabka raacaya Gaadiidka Dad weynaha.

Nuqul kamid ah haddalka Agaasimaha ayaa ahaa “Xeerkani wuxuu suurto gelinayaa haddii la dhaqan geliyo in Baabuurtaana la joojiyo, Baabuurtii Waddanka tiillayna ay si nadaam ah u socdaan, xeerkaan muhiimad gaar ah ayuu leeyahay, marka hay’adaha ay tahay in ay xeerkan dhaqan geliyaanna waa war gelinnay waana la socodsiinnay, waxaana rajeyneynaa in marka lagu dhaqmo xeerkaas uu Magaalada Muqdisho is beddel badan ka yimaaddo”.

Sidoo kale, waxa uu Agaasimaha carab dhabay in shilalka iyo ciriiriga mararka qaar ka jira magaalada Muqdisho uu ku sababeeyay xeerka wadda marista oo qaldan.

Wuxuuna sheegay in aysan mar kale soo degi doonin Gaadiid leh shukaan midig leh, kuwa haatan yaallana la marin doono guddiga imtixaanaadka tababarna la siin doono.

Si kastaba ha ahaatee, Agaasimaha ayaa sheegay inay soo celin doonaan dhammaan shuruucdii gaadiidka iyo waddooyinka, islamarkaana aan la hubin doono caafimaadka wadaha, Da’da iyo bad qabka gaadiidka si ay u yaraadaan shilalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com