Nin sabab yaab leh walaalkii ugu dhex dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Nin ku hubeysnaa qori uu Waaxda Faanoole ee degmada Kaaraan ku dilay wiil ay qaraabo ahaaye.

Dilka oo si kadis ah u dhacay ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay muran maandooriye oo dhexmaray gacan ku dhiiglaha iyo Marxuumka.

Dadka deegaanka ayaa soo warinaaya in labada ruux ee midi la dilay ay ahaayen qaraabo wada socon jiray, hase yeeshee ay ku kala fogaaden maandooriyaha.

Maamulka degmada Kaaraan ayaa sheegay in gacan ku dhiig laha ay horgeyn doonaan sharciga, isla markaana uu guran doono waxa sharciga uga soo baxa.

Maamulka ayaa sheegay in marxuumka lagu dhuftay 6 xabadood oo kaga dhacday qeybaha sare ee jirka.

Hay’adaha ammaanka oo ku baxay falkan ayaa gacanta ku dhigay gaari NOAH ah oo uu watay ninka dilka geystay ee baxsaday.

Sidoo kale ciidamada ayaa la wareegay qalab lagu diyaarinayay maandooriyaha.

Meydka ninka la dilay ayaa la geeyay xarunta dambi baarista ee CID-da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com